Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu soo Gaba-gabeeyay Shir muddooyinkii dambe u socday Odayaasha dhaqanka iyo Culimada Gobolka Mudug ee Galmudug .
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa loo hadlay sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada falalka amni darro ee xiliyada qaarkood ka dhac Gobolka Mudug iyo waxyaabaha maan-dooriyaha sida Qamriga iyo Xashiishka oo dhibaato ku haayay deegaanka.
Kulanka ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Saraakiisha Ciidanka amniga Galmudug, maamulka Degnada iyo ka Gobolka, waxaana Saraakiisha ay Odayaasha iyo Culimada ka dalbadeen inay ku garab istaagayaan wax ka qabashada dhibaatoyinka degaanka ku soo kordhay.
Ugu dambeyntii Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi yusuf Barre iyo Guddomiyaha Gobolka Mudug Cabdirahmaan Ali diiriye ayaa xusay in tilaabo sharci ah laga qaadayo cidkasta oo isku deyda in sharciga ay baal-marto.