Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Amxed Madoobe ayaa magacaabay Gudoomiye ku xigeenka maamulka Maaliyada gobolka Gedo iyo Gudoomiye ku xigeenada degmooyinka Beledxaawo iyo Buurdhuubo
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Jubaland, Cutubkiisa 4aad,Qodobka 72ad, Fargada(5aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland, Markuu Latashaday: Madaxweyne ku-xigeenada Dowladda Jubaland, Wuxuu Madaxweynaha Dowaladd Jubaland u magacaabay”
- Xuseen Askar Maxamuud Gudoomiya kuxigeenka maamulka Maaliyada Gobalka Gedo.
- Xasan Maxamuud Cali Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo.
- C/Raxmaan Cabdulaahi Cali Gudoomiye ku xigeenka Amniga lyo Siyaasada Degmada Buurdhuube.
- Cabdicasiis Xareed Cabdulaahi Gudoomiyaha Degmada Balad Xaawo.
- Cabdifataax Nuur Mataan Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Degmada BeledXaawo.