Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in uu baaqday kulan Madaxtooyada Soomaaliya ku dhexmari lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.
Kulankaas ayaa waxaa la sheegay in looga hadli lahaa Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sanadka 2020/2021, xiisada Gobolka Gedo ee xuduuda, khilaafka dowladda iyo dowlad Goboleedyada.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweyne Farmaajo uu Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ka dalbaday in shirka dib loo dhigo, kaasi oo lagu waday inuu shalay dhaco.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in kulan uu dhexmari doono Madaxweynaha iyo Wakiilada Beesha Caalamka, hayeeshee waxaa uu baaqday.