Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay inay in ka badan 400-kun oo carruur ah ku sugan yihiin Khatar macluul, iyadoo 2.2 milyan oo kalena u baahan yihiin Daryeel Degdeg ah.
Warbixinta UNICEF ayaa lagu sheegay inuu hal cunug geeriyoodo 10-kii daqiiqo dalka Yemen, sababo la xiriirta Macluusha, Nafaqo la’aanta iyo caabuqyada Neefsashadda.
Warbixinta cusub waxaa kaloo lagu sheegay in baahida ka dhex jirta carruurtaasi gaartay heerkii ugu sarreeyey, iyadoo 462-kun oo carruur la dhibaataysan yihiin nafaqo-xumo aad u daran, waana kororkii ku-dhawaad 200% tan iyo sannadkii 2014-kii.
Macluusha daran ayaa la sheegay inay tahay sababta ugu weyn ee dhimashadda carruurta da’dooda ka hosoeyso 5-jirka.
©Radio Dalsan