Tiro dhowr jeer ayaa Xildhibaanada Aqalka Sare ay dalbadeen in Xarunta Aqalka Sare amnigeeda in lagu wareejiyo inay sugaan Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.
Qoraal Gudoonka Aqalka sare uu u diray Madaxda Sare ee Dowladda iyo Taliyeyaasha AMISOM ayaa looga soo jawabay,iyada oo la soo dhameystiran Ciidamada AMISOM ee sugi lahaa Amniga Xarunta Aqalka Sare.
Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac ayaa sheegay in codsigii dalabka ahaa ee AMISOM laga aqbalay,isla markaana mudo kadib Ciidamada AMISOM ay la wareegi doonaan Amniga Xarunta aqalka Sare ee Magalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in Gudoonka Golaha Aqalka Sare ku guuleystay qorsho lagu xaqiijinayo Amniga Xarunta iyo Sanoterada intaba,isla markaana si guud loo soo dhameystiray Ciidamada AMISOM.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac.