Ciiddanka iyo Maleeshiyadda taageersan ayaa la sheegay inay cagta mariyeen jiidda hore ee Maleeshiyadda ku sugan Bariga Aleppo, kuwaasi oo shalay dib uga gurtay ugu yaraan 6 Deegaan oo ay ka mid yihiin AL-salaxeen, Al-firdows iyo Bustan Al-qasar.
Dadka Deegaanka ayaa u sheegay Telefishinka Aljazeera inay Ciiddanka Dowladda toogteen Tobanaan qof oo Rayid oo lagu eedeeyey inay xiriir la lahaayeen Maleeshiyadda.
Hay’adda indhaha ku haysa Xuquuqda Aadanaha ee Syria ayaa sheegtay in ugu yaraan 60 qof lagu dilay rasaas ama Hoobiyayaal ay Ciiddanka Dowladda u adeegsadeen si ay ugu sii siqaan Deegaanadda ay weli Maleeshiyadda ka haystaan Aleppo.
Telefishinka Dowladda Syria waxa uu sheegay inay Taageerayaasha Dowladda 99% la wareegeen Aleppo, iyadoo Telefishinka Alikhbaariyah Syra soo tebiyey Muuqaalo dabaaldegyo ka dhacay Waddooyinka Galbeedka Aleppo, iyadoo ay dadka isugu hambalyeynayeen Guushaasi.
©Radio Dalsan