Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in ku-dhawaad 1.4 million carruur ah oo ku nool dalal ay Somalia ka mid tahay oo qarka u saaran inay geeriyoodaan.
Warbixin ay UNICEF soo saartay ayaa lagu sheegay inay carruurtaasi la dhibaataysan yihiin Nafaqo-xumo, lagana yaabo inay sannadkan geeriyoodaan, xilli ay Macluul baahsan ka jirto Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen.
UNICEF waxay sheegtay in Abaaraha ka jira Somalia horseeday inay 185,000 oo Carruur ah ay qarka u saaran yihiin macluul, waxaana laga cabsi qabaa inay tiradu gaarto in ka badan 270,000 oo carruur bilaha soo socda.
Hay’adda UNICEF waxay kaloo ka dayrisay Xaalladda Carruurta ku nool dalalka Yemen, Nigeria iyo kuwo kale, iyadoo ay Yemen ku dhibaataysan yihiin 462,000 Carruur ah, halka dalka Nigeria ku dhibaataysan yihiin 450,000 oo carruur ah.
Agaasimaha Hay’adda UNICEF. Anthony Lake waxa uu ku qaaday in la qaado Tallaabo Degdeg ah oo lagu badbaadinayo Carruurta nafaqa-xumida iyo macluusha ku hayso dalalkaasi.
Warbixinta UNICEF ayaa timid, hal maalin kadib, markii ay Dowladda South Sudan caddeeyeen inay Macluul ka jirto qeybo ka mid ah dalkaasi.
Dhinaca kale, Danjirayaasha Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa inay bisha soo socota Booqasho Kormeer ah ku soo kala bixiyaan Waqooyiga Nigeria, Cameroon, Chad iyo Niger, si ay u soo qiimeeyaan Heerka ay gaarsiisan tahay Macluusha iyo Abaaraha ka jira dalalkaasi.
©Radio Dalsan