Wasiir-dowlaha Madaxtooyadda ee Xukuumadda Federalka, Mahad Maxamed Salaad ayaa Aragti ahaan dhaliilay Ballanqaadkii Madaxweyne Farmaajo uu ku sheegay in qofkii soo sheegaa Gaari qarax wada in la siin doono 100,000 oo Dollar.
Wasiir Mahad waxa uu Bartiisa Facebook-ga soo dhigay Qoraal uu Aragtidiisa kaga dhiibtay Hadalkii Madaxweynaha ee lagu abaal marinayo dadka soo sheegay Gawaarida lagu soo xiro Qaraxyadda.
Waxayna Aragtidiisa u qornayd sidatan:-
Aniga waxay ila tahay Soomaaliya Amnigeeda inaan lagu sugi karin lacag la bixiyo ee waxaan u baahanahay Istaraatijiyad Qaran oo leh Mug Dhaqaale, Mug Ciiddan iyo Mug Abaabul Bulshadeed.
Sababaha soo Socda:
Sababta 1-aad: Kaba soo qaad bishii in la soo sheego 10 Qarax, kharashka ku baxaya waxa uu noqonayaa hal million dollar.
Kharashkaasna kama go’i karo Miisaaniyada Dowlada oo ku tiirsan oo kaliya lacagaha ka soo xarooda Dekada iyo Airport Magaalada Mogadishu iyo deeqaha laga sugayo Dowladaha Ajnabiga ah oo iyadana ku xiran shuruudo adag, ayna adag tahay in la fuliyo.!!!
Sababta 2-aad: Waxaa jiri kara Hay’ado iyo shaqsiyaad ka ganacsada qaraxyada been abuurka ah ee marar badan la sheego in la qabtay. Marka waxay dhiiragelin u noqon kartaa Suuqa Madow ee Ka-ganacsiga Qaraxyadda !!!
Sababta 3-aad: Kharajkaas la bixinayo waxay kooxaha Nabad Diidka ah u isticmaali karaan maaligelinta Qaraxyadooda. Tusaale ahaan:
Baabuurta qaraxyada ay u isticmaalaan kooxaha Nabad Diidka ah qiimo ahaan waxay u dhaxeeyaan $5,000 ilaa $15,000 dollar. Marka waxaa suuragal ah inta soo sheegaan hal gaari inla siiyo lacagtii ay ku meel gelin lahaayeen 10 gaari oo kale.!!!
Sidaas daraadeed waxaan qabaa la dagaalanka Kooxaha Nabad Diidka inay u baahan tahay Istaraatijiyad ka ballaaran Lacag la bixiyo!!!
Fiiro Gaar: Qoraalkan waa u gaar Aragtida Wasiir Mahad.
©Radio Dalsan