Tobaneeyo ka tirsan Milkiilayaasha Dukaamadda ku yaalla Tuulladda Bursa ee Galbeedka magaalladda Mosul, kuwaasi oo lagu soo oogay inay kordhiyeen sicirka lagu iibiyo Badeecadaha, iyadoo ay magaalladaasi go’doonsan tahay.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS in la xiray Ku-dhawaad 30 Dukaanle, kuwaasi oo inta indhaha laga wada xiray loo kaxeeyey goob aan la aqoonin.
Dhinaca kale, in ka badan hal milyan oo qof ayaa la rumeysan yahay inay weli ku nool yihiin qeybo ka mid ah Bariga Mosul oo ay Kooxda Daacish weli ku xooggan yihiin.
©Radio Dalsan