Dowladda Ethiopia waxay si rasmi ahaan Tacsi u dirtay Dowladda iyo Shacabka Kuuba geeridii ku timid Hoggaamiyihii hore ee dalkaasi, Fidel Kastaro oo geeriyooday Jimcihii la soo dhaafay.
Madaxweynaha dalka Ethiopia, Mulatu Teshome iyo Ra’isul-wasaare Hailemarian Desalegn waxay Dhambaalkooda Tacsida ku sheegeen inuu Fidel Kastaro ahaa Saaxiib ku weyn Ethiopian-ka, isla markaana u hiiliyey muddadii lagu jiray Xilligii Adkaa, waa sida ay hadalka u yiraahdeen.
Madaxweynaha Ethiopia waxa uu sheegay inuu Fidel Kastaro yahay Saaxiibkii Ethiopia ka caawiyey sidii loo difaaci lahaa Is-raacsanaanta Xuduudaha Ethiopia.
Sidoo kale, Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxa uu xusay inuu Fidel Kastaro ahaa Saaxiib weyn iyo Hoggaamiye garab istaagay Ethiopia muddadii ay ku jirtay Xilliga Adag, waa sida uu isagana ku qoray Dhambaalkiisa Tacsida.
Dhinaca kale, Hoggaamiyihii geeriyooday ee Kuuba waxa uu Ethiopia la saftay muddadii uu socday Dagaalkii ay Ciiddanka Somalia ku xorreeyeen Dhulka Somali-galbeed ee ay Ethiopia xoogga ku haysatay.
Dagaalkaasi 1977-kii waxay Ciiddankii Xoogga Dalka Somalia cagta mariyeen Dhufeysyaddii Ciiddankii Xabashidda ee joogay Dhulka Soomaali Galbeed, waxayna Ciiddankeena ku dhawaadeen Caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba.
Balse, Kumaan Ciiddamo Kuubaan oo Calooshood-u-shaqeystayaal ah ayaa u soo gurmaday Ciiddankii Ethiopia, kadib, markii uu Hoggaamiyihii hore ee dalkaasi, Mingiste Xayle Maryama ka codsaday Dowladaha Kuuba iyo Midowgii Soofiyeeti (USSR) in laga taageero Gulufka ay Ciiddanka Somalia ku qabsadeen inta badan dalka Ethiopia.
Ciiddankaasi oo tiradoodu ka badnayd 12,000 Askari waxay ku khasbeen Ciiddankeenna inay dib uga soo baxaan dhulkii ballaarnaa ee laga qabsaday Ethiopia.
Dagaalkaasi oo ay Beesha Caalamka la amakaageen Kartida Ciiddankii Xoogga Dalka Somalia, waxaa laga sameeyey Riwaayaddii can baxday ee Galbeed waa la xoreeyey, WAARSAA gaagixisay.
©Radio Dalsan