Rooble oo War kasoo saaray Arrimaha Doorashada iyo Amniga ee lagu wareejiyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo in uu wareejiyay mas’uuliyadda  doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Shacabka uga mahadceliyay in sida ay u tixgeliyeen codsigii madaxweynaha ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September, ayaa sheegay in xukuumaddu soo bandhigi doonto qorshaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha guud ee Amniga Qaranka.

“Waxaan uga mahadcelinayaa madaxweynaha in uu aniga iyo xukuumaddeyda nagu soo wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha amniga guud ee Qaranka, anigoo rajeynaya in aan ku guuleysanno howshaas iyo mas’uuliyaddaas muhiimka u ah masiirka dalka una maareyno sida ugu wanaagsan” ayuu yiri Rooble.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha inuu ka xun yahay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay dowladda iyo Mucaaradka, isagoo xusay in dhibaatada dhacday ay sababtay burbur iyo inay barakacaan shacabka Muqdisho.

Sidoo kale Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in uu dhawaan ku casuumi doono madaxda dowlad-goboleedyada in ay ka soo qeyb galaan shirka Madasha Qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka.

Rooble ayaa faray Ciidammada Qaranku in ay ku laabtaan xeryohoodii oo aysan ku milmin siyaasadda, isagoo ugu baaqay siyaasiyiintuna in ay ka fogaadaan hadal ama ficil kasta oo aan caawineyn xasilloonida dalka iyo wadajirka shacabka.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Carabka ku dhuftay inuu magacaabi doono Guddi farsamo, si loo xaliyo saameynta Ciidamada Qalabka Sida ku yeesheen Arrimaha siyaasadda dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor