Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa dhawaan la qorsheeyay in uu booqasho ku tago degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo,balse waxaa ka dhashay khilaaf xooggan.
Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Jubbaland iyo Maamulka Gobolka Gedo ayaa isku khilaafsan booqashadaas,iyaga oo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo ay eedeyn u jeediyeen Madaxweyne Axmed Madoobe.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in Maamulka Axmed Madoobe uusan waxba u qaban dadka ku nool Gobolka Gedo mudo Sideed Sanno ah oo uu jiro Maamulka Jubbaland.
Sidoo kale waxa uu sheegay in marnaba aysan u ogoleyn in uu Axmed Madoobe yimaado Gobolka Gedo maadaama uu khilaafay dowladda Sharciga aheyd ee federaalka sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba khilaafkan ka dhashay safar la filayo in uu Axmed Madoobe ku tago degmada Garbahaareey ayaa ku soo aadaya xilli Maanta degmadaas uu ka dhacay banaabax looga soo horjeeday,isa  markaana ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada.