• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Waxka baro Xubnaha Soomaalida iyo Ajaanibta ee Guddiga Dhaqaalaha Qaranka

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 11, 2018
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 5 mins read
A A
3
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wasiirada, madaxda dawlad goboleedyada, guddoomiyaha bangiga dhexe iyo shan xubnood oo madax bannaan ayaa xubno ka ah golaha dhaqaaaha qaranka, waxaana sidoo kale la shaqeynaya afar dhaqaale-yahan oo aan Soomaali aheyn.

Shanta Xubnood ee Soomaalida ah

Dr. Ali Issa Abdi Waxa uu PhD ka diyaariyay dhaqaalaha, master-kana waxa uu ku diyaariyay maaliyadda caalamiga ah. Waxa muda dhan 20 sano uu hey’adda lacagta aduunka kula shaqeeyay dhaqaala yahan sare

Dr Aues Scek waxa uu in ka badan 25 sano oo khibrad u leeyahay dib u habaynta maamulka dawliga ah, horumarinta istaraatiijiyadda siyaasadda iyo siyaasadda maaliyadda, waxa uu PhD ku diyaariyay horumarinta dhaqaalaha, Waxa uuna la taliye dhaqaale kasoo noqday Barnaamijka GIZ ee wadamada Swaziland, Kenya, Malawi iyo Germany. UNDP ayuu kala shaqeeyay barnaamijka PFM, dib u qaabaynta siyaasadda dhaqaalaha iyo barnaamijka Kormeerka Iyo Qiimaynta.

Dr. Hussein Warsame waxa uu Associate Professor ka yahay Iskuulka ganacsiga ee Haskayne, waxa agaasime ka yahay qaybta Master-ka ee siyaasadda Dawliga ah ee jaamacadda Calgary. Waxa uu PhD ku diyaariyay maamulka MBA ayuu ku diyaariyay Xisaabaadka. Waxa uu Bagiga aduunka talooyin ka siiyay canshuurta, daah-furnaanta dakhliga kasoo xarooda saliidda iyo shidaalka.

Hussein M Siad waxa uu xirfad wanaagsn u leeyahay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu master ku diyaariyay dhaqaalaha iyo maamulka. Waxa uu in ka badan 30 sano oo khibrad ah u leeyahay nakhshadeynta iyo wada xaajoodka barnaamijyada gargaarka iyo dib u habaynta siyaasadda dhaqaalaha. Waxa uu kasoo shaqeeyay wadamada Kenya, Lebanon, Somalia, Zimbabwe iyo Mauritius. Waxa uu soo noqday wasiir ku-xigeenka maaliyadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu la shaqeeyay Bangiga aduunka, Bangiga horumarinta Islaamka, Hay’adda Lacagta Aduunka, hay’adda gargaarka ee Mareykanka, Bankiga horumarinta Afrika, Midawga Yurub iyo UNDP.

Sakhawadin Mustafa Mohamed waxa uu PhD iyo master ku diyaariyay dhaqaalaha, waxa uu khibrad u leeyahay falanqaynta maamulka iyo siyaasada dhaqaaalaha dawladda. Waxa uu dhinacya badan kala soo shaqeeyay Minnesota State isaga oo noqday agaaasimaha cutubka dhaqaalaha, waxa uuna hogaan usoo noqday cutubka cilmi baaaritsa shaqaalaha iyo falanqaynta dhaqaalaha ee Waaxda shaqaalaha iyo warshadaha.

Xubnaha aan Soomaalida ahayn ee la shaqeeya Golaha dhaqaalaha Qaranka

Dr. Abdalla A. HAMDOK waa ku-xigeenka xoghayaha iyo madaxa dhaqaala yahannada guddiga dhaqaalaha qaramada midoobay u qaabishan Afrika, waxa uu Ph.D. ku heestaa dhaqaalaha. Waxa uu khibrad ka badan 30 sano u leeyahay dib u habaynta ha’aydaha dawliga ah, dawlad wanaagga iyo maamulka Khayraadka. Waxa uu hoggaan u noqday qayba xoog leh oo daraaseeya caqabadaha soo wajaha horumarada kala duwan ee siyaasadda Afrika. Waxaa uu hoggaan u noqday qorshayaal kala duwan oo ay fuliyeen guddiga dhaqaalaha Afrika (ECA) oo khuseeya horumarinta siyaasadda maamulka, dawlad wanaagga iyo maamulka dawliga ah.

Dr. Peter J. Middlebrook waa dhaqaale-yahan lasoo shaqeeyay Bangiga aduunka, Midawga Yurub iyo dawladda Ingiriiska, waxa uu kasoo shaqeeyay in la badan 40 dal oo dunida daafaheeda ah. Waxa uu hormuud u noqday Hindisayaal muhiim ah oo ay kamid ahayd nakhshadaynta qorshaha xasilinta carabta ee ay ku bexeysay 100 bilyan oo doollar.

Dr. Edward Sambili waxa uu PhD ku sameeyay dhaqaalaha; waxa uu master ku diyaariyay horumarinta iyo ganacsiga caalamiga ah. Dr. Edward Sambili waxa uu in ka badan 33 sano oo khibrada ah u leeyahay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu xubin ka yahay golaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee qaramada midoobay, waa la taliyaha dhaqaalaha ee UNDP Kenya. Dr Sambili waxa uu gudoomiye kasoo noqday guddiga sare ee dakhliga Kenya intii u dhexeysay 2016 iyo 2018.

Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno waxa uu Ph.D. ku diyaariyay dhaqaalaha gaar ahaan dhaqaalaha caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah khibrad ugu leeyahay siyaasadda ganacsiga, dhaqaalaha, dib u habaynta maamulka dawliga ah. Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno waxa uu ka tirsanaa jaamacadda Nairobi laga soo billaabo 1983 isaga oo ka dhigayay dhaqaalaha caalamiga ah.

Previous Post

Sawirro:-Golaha Wasiirada oo Warbixin ka dhageystay Guddiga Dhaqaalaha Qaranka

Next Post

Khilaaf ka dhashay booqasho Madaxweynaha Jubbaland ku tegayo degmada Garbahaareey

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post

Khilaaf ka dhashay booqasho Madaxweynaha Jubbaland ku tegayo degmada Garbahaareey

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

by Liban
July 16, 2025
0

Addis Ababa – Ethiopia’s national intelligence agency has announced the arrest of 82 individuals suspected of being members of the Islamic State...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo...

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

by Liban
July 16, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia has officially called on Puntland authorities to immediately halt hostilities in the Dhahar district of the...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm
English News

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting
English News

Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
  • Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
  • Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00