Dhageyso:-Maamulka Galmudug oo si kulul uga hadlay dagaal beeleed ka dhacay G/Galgaduud

Maanta waxaa dagaal beeleedyo ay ka soo cusboonaaden deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud gaar ahaan Deegaanka Hardis ee hoostaga degmada Balanbale ee Gobalkaasi  Galgaduud

Dagaalada oo salka ku haya aanooyin qabiil,ayaa la sheegay inay dhaliyeen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee wada dagalamay.

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegano ka mid ah Gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in Maamulka Galmudug uu aad uga xun yahay dagaalkaas,isla markaana uu ka qeyb qaadan doono sidi lagu joojin lahaa.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor