Nabadoon Caan ah oo Caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaasi lagu dilay Nabadoon Caan ahaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Dalsan u sheegay in dilka uu ka dhacay Xaafada Israac ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,isl markaana loo geystay mid kamid ahaa Nabadoonada halkaasi ku dhaqan.

Allaha u naxariistee Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiqani Baale sidoo kalena waxa uu ka tirsanaa waxgaradka Gaalkacyo ,iyadoona durbo goobta ay ka baxsadeen ragii ka dambeeyay dilkaasi.

Ciidamo ka tirsan maamulka Gaalkacyo ayaa waxaa la sheegay in goobta uu dilka ka dhacay ay tageen,waxaana halkaasi ay Caawa ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu falkan u dhacay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media