Guddoomiyaha Hay’adda Niil ee Daraasaadka Afrika iyo Istaraatijiyadda, Dr. Maxamed Cisadiin ayaa ku nuuxnuuxsaday in Ka-bixitaanka Ciiddanka Ethiopia ee gudaha Somalia muujinayso Awoodda Dowladda Federalka iyo inay soo hagaagayso Xaalladda Deganaanshaha ee dalka Somalia.
Khabiirka oo Wareysi siiyey Wargeyska “Al-wafdi” ee ka soo baxa magaalladda Qaahira, waxa kale oo uu xusay inay Dowladda Federalka iyo Hay’addaha kale waajib ku tahay inay maamulaan xaalladda gudaha ee Somalia.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay muhiim tahay Deganaanshaha Xaalladda Somalia iyo in Nidaamka Federalka asaas looga dhigo Goballadda dhexdooda ee kaabiga ku haya Badda Cas, waa sida uu hadalka u yiri.
Guddoomiyaha Hay’adda Niil ee Daraasaadka Afrika iyo Istaraatijiyadda, Dr. Maxamed Cisadiin waxa uu soo dhaweeyey Tallaabadda Kumanaan ka tirsan Ciiddanka Ethiopia looga saaray gudaha Somalia, wuxuuna tilmaamay inay waajib tahay in Ciiddanka Ethiopia dhamaantooda iyo kuwa AMISOM laga wada saaro gudaha Somalia, iyo in Hay’adda Somalia looga tago Amniga Somalia.
Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Kumanaan ka tirsan Ciiddanka Ethiopia bishii hore ka wada huleeleen gudaha Somalia, kuwaasi oo dib ugu laabtay dalkooda oo ay Dibadbaxyo rabshado watay ka dhaceen, laguna dilay in ka badan 500 oo qof.
©Radio Dalsan