Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay si rasmi ah u soo xiray xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka, oo ku beegan 65 sano kadib markii la mideeyay gobollada Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, laguna dhisay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Munaasabadda xiritaanka oo ka dhacday Xarunta Golaha Xukuumadda, ayuu Madaxweynaha kaga qayb galay si rasmi ah, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad qiimo leh oo uu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan taariikhiga ah ee 1-da Luulyo. Wuxuu si gaar ah ugu bogaadiyay shacabka gudahooda iyo qurbo-joogta sida waddaniyadda ku dheehan ee ay sannadkan u xuseen maalmaha xorriyadda.
“Xuska Todobaadka Xorriyadda waa fursad aynu dib ugu milicsano halgankii geesinimada lahaa ee shacabka Soomaaliyeed ay u galeen xorriyadda, midnimada iyo dhismaha qaranimada. Waa waajib qaran in aan si joogto ah u xasuusanno halgankaas taariikhiga ah iyo himilada aynu u soconno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dardargelinta dadaallada lagu xoojinayo midnimada dalka, horumarinta dib u heshiisiinta, iyo dhammeystirka geeddi-socodka dowlad-dhisidda. Isagoo ka hadlayay arrimaha Somaliland, ayuu xusay muhiimadda ay leedahay in la dib loo bilaabo wadahadallada si daacadnimo iyo kalgacal ku dhisan.
“Waxaan diyaar u nahay in aan miiska wada-hadalka dib ugu kulanno si aan si wadajir ah uga shaqeyno xal waara oo ku saleysan walaaltinimo iyo dan guud, si aynu u xaqiijino midnimada ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay door weyn ka qaataan dib u dhiska dalka, garabna ku siiyaan dowladda dadaallada ay ku bixinayso sugidda amniga, xoreynta dhulka ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta, iyo u gudbidda doorasho qof iyo cod ah.