Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta (IOM) ayaa lagu sheegay in dufcadii koowaad ee Qaxooti Soomaali ah laga soo daad-gureeyey Yemen, kuwaasi oo dhinaca Badda soo maray.
Markab ay la socdeen 127 qof oo Soomaali ayaa ku soo xirtay Dekedda magaalladda Berbera ee W/galbeed ee Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah qorshe lagu soo celin doono 2,500 oo Qaxooti Soomaali ku xayirmay colaadaha ka socda Yemen.
Mashruuca lagu soo celinayo Qaxootiga Soomaalida oo socon doona muddo 7 bilood ah ayaa waxaa ku bixi doonta Kharaj dhan 10-million oo Dollar oo ay bixinayso Xarunta Boqor Salmaan ee Kaalmadda Aadanaha iyo Samafalka ee KS Relief.
Qaxootigaasi laga soo daad-gureynayo Yemen ayaa la sheegay in badankooda lagu soo daad-gureyn doono Maraakiib ku soo xiran doonta Dekedda magaalladda Berbera, halka kuwa kalena lagu soo qaadi doono Diyaarado si toos ah uga soo degi doona Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Hay’adaha IOM iyo UNHCR ayaana fulinaya qorashaha lagu soo daad-gureyn doono ilaa 2,500 oo Qaxooti Soomaali, kuwaasi oo sannooyin baadan ku noolaa dalka Yemen.
©Radio Dalsan