Afhayeenka Boliska Kenya, George Kinoti ayaa sheegay inay Abaalmarin dhan 14-million oo Shillinka Kenya ah una dhiganta 135,000 oo Dollar siin doonaan dadka keena Warbixino horseedi kara sidii loo soo xiri lahaa 7 Dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu ku eedeeyey Dagaalamayaashaasi inay ka dambeeyeen dilal loo geystay dad rayid iyo Saraakiil Bolis oo ku sugnaa W/bari Kenya.
Afhayeenka Boliska Kenya, George Kinoti waxa uu hoosta ka xariiqay inay Dagaalamayaashaasi ka dambeeyeen Weeraraddii lagu qaaday Hotelka Bishaaro Lodge, Jabane Hotel iyo Xeradda Boliska ee Deegaanka Arabia.
Dhinaca kale, Boliska Kenya waxay magacyadda xubnaha Alshabaab ee ay baadi-goobayaan ku kala sheegeen C/qaadir Xareed Maxamed, C/llaahi Isaaq Diyat oo lagu nyaqaano Cubayd, Idris Isnaaciil Isaaq, Maxamed Yuusuf Kanu oo loo yaqaano Abu Cali, Axmed Maalim Bashiir, Shariif Sheekh Carab iyo Axmed Mahad Maxamed.
Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee ay Hay’addaha Ammaanka Kenya sheegaan inay Lacago dul dhigeen xubno ka tirsan Dagaalamayaasha Alshabaab, mana jirto wax ay ka macaasheen Abaalmarinadda ay had iyo jeer ku hadaaqaan.
©Radio Dalsan