5 Arday Somali ah ayaa shalay lagu xiray Degmadda Makutano ee Gobalka Meru ee dalka Kenya, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay si sharci-darro ah ku joogeen dalkaasi.
Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in Ardaydaasi loo gacan geliyey Boliska La-dagaalanka waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda.
Taliyaha Boliska Waqooyiga Imenti, Sammy Kosgey ayaa sheegay qaar ka mid ah Dadka Deegaanka soo faro muuqeen Ardaydaasi.
Ardaydaasi oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Jaamacadda Somalia International University ee magaalladda Muqdisho ayaa waxay Barnaamij Tababar u joogeen Isbitaalka Meru Teaching and Referral Hospital.
Balse, Sarkaalka Guud ee Caafimaadka ee Gobalka Meru, Dr. James Gitonga ayaa sheegay inuusan ka war haynin wax xarig ah iyo inay Dowladda Qaranka mas’uul ka tahay wax kasta oo la xiriira Tababaradda noocaasi ah.
Bishii September ee sannadii hore, Madaxa Fulinta Caafimaadka ee Gobalka Meru, Dr. William Murrah ayaa sheegay inay 5 Arday oo ka socota Jaamacadda Somali International University ay Tababar ku qaadanayaan Isbilaalka, si looga taageerayo Aqoontooda
Dr. William Murrah oo horey uga qeyb galay Qalin-jebinta Jaamacadda ayaa sheegay in 14 Dhakhaatiir Caafimaad oo kale Tababar ku qaadan doonaan Isbitaalka Kenyatta National Hospital iyo kuwo ku yaalla gudaha dalka Uganda.
“Waxa uu intaasi ku daray inuu Barnaamijku arki doonaan haddii La-taliyaasheenna aadi karaan Somalia sababo dhinaca Taageerida Farsamo” ayuu yiri Dr. Murrah, wuxuuna raaciyey inuu qorshuhu qeyb ka yahay dadaalka Bariga Afrika ee lagu kordhinayo Awoodda Khibradeed ee Ardayda ka soo qalin jebisa Jaamacadaha Somalia.
©Radio Dalsan