Xoghayaha Guud ee IGAD, Maxbuub Macallim oo Suxufiyiinta kula hadlay Nairobi ayaa sheegay inay Khatartaasi ku soo fool leedahay ugu soo yaraan 20-million oo qof oo ku nool dalalka Somalia, K/bari Ethiopia, Bariga iyo XeebahaKenya iyo Waqooyiga Uganda.
Waxa uu farta ku fiiqay in tirada dadka ay soo wajihi doonto Macluusha ee u baahan Gargaarka degdegga inay gaarayaan 17-million oo qof.
Dhinaca kale, Agaasimaha Hay’adda WFP ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, Valarie Guarnieri ayaa sheegtay inay in ka badan 11.2 million oo qof ay u baahan yihiin Gargaar Cunto oo Degdeg ah.
©Radio Dalsan