Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa hooyo iyo Gabadheeda sibareer ah waxaa loogu dilay deegaanka Miirtaqwo ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dilka Dadkaan ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay Askari ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Hooyada iyo Gabadheeda ay waayadaan ku furneyd dacwo isla markaana ay u aadeen deegaanada ay Maamulaan Al-Shabaab markii ay Maanta ka yimaadeena la dilay.
Ilaa iyo hadda macada sababta loo dilay Hooyada iyo Gabadheeda,marka laga reebo in ay dacwo u aadeen deegaano ay Shabeellaha Dhexe ka Maamulaan Al-Shabaab.
Askarigii ka dambeeyay dilka dadkaas ayaa lagu soo waramayaa in uu Goobta ka baxsaday,mana jirto cid ka tirsan Maamulka G/Shabeellaha Dhexe oo ka hadashay.