War Goordhow soo gaaray Idaacadda Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in qarax Gaari uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir ilaa Isbitaalka digfeer.
Qaraxaan ayaa ahaa Mid gaarigiisa loogu xiray Nin la sheegay in uu ku jiray Goob Ganacsi si uu uga dukaamesto balse Gaarigiisii uu qarxay.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa kadib ay maqleen rasaas ay ridayeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya kuwaas oo Goobta ka agdhawaa.
Ilaa iyo hadda weli lama cadeyn wxa uu yahay Ninka Gaarigiisa qaraxa loogu xiray iyo khasaaraha ka dhashay.
Wararka qaar aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa kadib sidoo kale ay dhaceen Bambooyinka Gacanta laga tuuro.
Waxaa la arkayaa gaarigii qaraxay oo Goobta ku Gubanaya.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Qaraxa