Kenya oo Dib Dalkooda Ugu Soo Celineysa 10 qof oo Soomaali Ah

Maxkamadda ku taala Magalada Momabasa ee dalka Kenya, ayaa waxaa ay go’aamisay in dib soomaaliya loogu cewliyo 10 ruux oo Soomaali ah kuwaasoo Maxkamadda ay sheegtay in ay ku tuhmeyso burcad badeednimo.

Khaaliga Maxkamadda sare ee Magalada Mombasa, Justice Muya ayaa ku dooday in go’aanka Maxkamadda uu yahay mid saxan, isagoona shegay in ay dhalinyaradaasi ku lug lahaayeen afduub lagula kacay marka Mararyay Biyaha Gacanka Adan.

Muya, ayaa sidoo kale shegay in uu ka fiirsaday hindisaha socda ee labada dowladood Soomaalia iyo Kenya si ay u ilaaliyaan nabadda. Khaaliga ayaa hadlkiisa sii raaciyay in tallaabada dib ugu celinta soomaaliya tuhmanayaasha ay ka caawin doonto Kenya in aysan buuxsamin xabsiyada dalkaasi.

10 ruux ee hada Maxkamadda ay shegtay in dib loogu celinayo soomaaliya, ayaa waxaa bishii November ee sanadkii 2013 Maxkamadd ku xukuntay min 10 sano oo xabsi ah.

Soomaalida lagu tumay burcada badeednimo, ayaa waxaa ay iska fogeyeen eedeymaha maxkamadda, waxaana ay waxkama jiraan ka dhigeen in ay iyagoo ku hubeysan ak-47 ay werareen Markab lagu magacaabo MV Maria.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor