Hadal ka soo baxay Boliska Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Haweeeney Hubeysan 3 qof ku dhaawacday Xarunta Dhexe ee YouTube ee ku taalla mel ku dhow magaalladda San Saraansisko, halkaasi oo ay ku dhaawacday 3 shaqaale ah.
Haweeneyda ayaa la sheegay inay is-toogatay, kadib, markii ay weerarkaasi fulisay.
Telefishinka ABC News ayaa qoray in da’da Haweeneyda weerarka geysatay lagu qiyaasay ilaa 40-jir, taasi oo ku noolayd Koonfurta Gobalka Kaliforniya.
Dhinaca kale, Wargeyska The San Jose Mercury News ayaa qoray inay Haweeneydaasi doonaysay inay disho Saaxiibkeeda oo uu Khilaaf soo kala dhex galay.
Boliska Maraykanka weli ma aysan shaacinin Haybta Haweeneydaas weerartay Xarunta Adeeg-wadaagista Muuqaalladda ee YouTube, halkaasi oo ay ka hawl-galaan in ka badan labo kun oo qof.
Sarkaal u hadlay Hay’addaha Ammaanka Maraykanka ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS inaysan kala caddayn inuu weerarkaasi ku lug leeyahay Weerar Argagixiso.