Xarunta Sharciga Xuquuqda Aadanaha ee dalka Australia (Human Rights Law Center) ayaa ka codsatay in la soo qabto dadkii ka dambeeyey dhaawaca loo geystay Qaxooti Somali oo lagu magacaabo Mascuud Cali Sheekh, kaasi oo lagu dhaawacay Xeradda Dadka lagu hayo ee ay Dowladda Australia maamusho, kuna taalla Jesiiradda Manus ee dalka Papua New Guinea
Hadal qoraal oo ka soo baxay Xarunta (Human Rights Law Center) oo Fadhigeeda Dhexe ku yaallo magaalladda Sidni ayaa lagu sheegay in Dhibanahaasi ay maalintii Sabtida ee la soo dhaafay ay Dadka Degaanka ee ku nool Jesiiradda Manus ku garaaceen Dhagxaan, xilli ay isaga iyo saaxiibkiisa taagnaayeen goob laga raaco Basaska.
Warbixinta ayaa lagu sheegay inuu Dhibanaha Mascuud Cali Sheekh dhibaato kala kulmay dhaawaca ka soo gaaray Madaxa.
Mascuud Cali Sheekh oo 27 jir ah waxa uu ahaa nin Hawlkar ah oo si gaar ah ula shaqeeya Urur Maxali ah oo taageera dadka Naafadda ee ku nool Jesiiradda Manus, isla matkaana bartay Luqadda Dadka Deegaanka.
In ka badan 800 Qaxooti ayaa lagu hayaa Jesiiradda Manus oo ku taalla meel ka baxsan Xeebaha dalka Australia, waxayna Dowladda Australia diidan tahay inay Qaxootiga u soo gudbaan dalkeeda.
©Radio Dalsan