Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha xilkiisa lagu muransan yahay isaga oo xalay la hadlayay xubno ka tirsan Xildhibaanada iyo wasiirada Galmudug waxa uu ka hadlay halkii ay ku dambeysay lacagtii loogu talo galay dhismaha Dekada Magaalada Hobyo.
“Runtii lacagtii loogu talo galay dhismaha dekada Hobyo ee halka Milyan aheyd waxa ay ku baxday difaaca dagaalkii nagula soo qaaday ayuu yiri Xaaf.
Sidoo kale waxa uu sheegay in uu haatan diyaar u yahay in uu jeebkiisa ka bixiyo lacagtaas so Dekada loogu dhiso ayuu yiri Xaaf.