Guddoomiyihii Magaalada Gaalkacyo oo shaqo joojin lagu sameeyay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Dhabancad ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir Dhabancad ayaa waxa  lagu sheegay in sababta shaqo joojinta loogu sameeyay Guddoomiye Saa’id Maxamuud Cali ay tahay, kadib markii ay cabashooyin ka keeneen shacabka Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa faray Guddoomiye ku-xigeenka Gaalkacyom Maxamed Cabdinaasir Cigaal inuu shaqada sii wado illaa amar dambe, isla markaana laamaha amniga ay la shaqeeyaan.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasiir Dhabancad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media