Qaar kamid ah dadkii shalay lagu rasaaseeyay Muqdisho oo falkaas ka hadlay

Qaar kamid dadkii shalay banaanbaxa ka waday Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ee uu rasaas ku furay Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo dharcad ahaa ayaa ka hadlay falkaas lagu rasaaseeyay.

Dadkaas oo isugu jiray Saddex Gabdhood iyo Wii l oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in Nin hubeysnaa Bastoolad uu si bareer ah dushooda ugu riday rasaas, kuna handaday Bastoolad uu watay, xili ay dhigayeen banaanbax nabadeed oo ay uga soo horjeedeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa ay sheegay in banaanbixii ay ka dhigayeen Isgoyska Dabka ee Muqdisho uu ahaa mid ay kusoo bandhigayeen fikirkooda ku aadan doorashada dalka, hayeeshee uu weerar kusoo qaaday Nin hubeysan, kuna riday rasaas.

Sidoo kale Gabdhaha iyo Wiilka ayaa tilmaamay in falkaas kadib lagu qaaday gaari ay leeyihiin Ciidanka Booliska dowladda, isla markaana lagu xiray Saldhig Booliska degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, loona geystay jir-dil, wallow markii dambe lasii daayay.

Ugu dambeyn waxaa ay dalbadeen in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda, sidoo kalena caddeeyay inay kasoo horjeedan haabka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku doonayo inuu ku qabto doorashada Soomaaliya.

Si kastaba baraha Bulshada ayaa siweyn u qabsaday muuqaal laga duubay Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo rasaas dushooda ku raday Gabdhahaas iyo dad kale, sidoo kalena dhowr mar Bastoolada afkeeda ku aadiyay, isagoo ku handayay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media