Baarlamaanka Hirshabeelle oo Su’aalo weydiiyay Laamaha amniga

Kulanka 11aad Kal-fadhiga 1aad ee Baarlamanka dowlad Goboledka Hirshabeelle oo uu shir Guddoominayey, Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ajandahiisu waxa uu ahaa dhageysiga warbixinada Saraakiisha Hay’adaha amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Saraakiisha Kala ah Taliyaha Nabad Sugida dowlad goboleedka Hirshabeelle Gaashanle dhexe Cabdikarin Cumar Kulmiye, Iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabeellada Dhexe Gaashanle Aadan Yarow ayaa maanta Baarlamanka uga warbixiyey Arrimaha Amniga iyo qorshayaasha ku saabsan sugida Amniga.

Kulankaan oo Saxaafada ay Dibad Joog ay  ka aheyd, si waafaqsan Xeer Hoosaadka Baarlamanka ayaa Xildhibaanada waxay weediiyeen Saraakiisha maanta hortimid Baarlamanka su’aalo ku saabsan xaaladaha Amniga.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Xildhibaanada Hirshabeelle ay su’aalo  dhowr ka weydiiyeen amniga deegaanada Maamulka, maadaama ay ka dhacaan weeraro iyo dilal ay  geystan rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media