Guddoomiyihii Gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray Qaraxa

War Goordhow Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho kasoo Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaas uu ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal oo Caawa Qarax Ismiidaamin ahaa lala eegtay.

Cabdisalaan Xasan Xirsi oo ahaa Guddoomiyihii  Nugaal ayaa u dhintay dhaawac Culus oo kasoo gaaray Qarax fiidkii hore ee Caawa lagula eegtay bartamaha Garoowe, isagoo la dhigay Isbitaalka weyn ee ku yaalla halkaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay geerida Guddoomiye Cabdisalaan Xirsi, waxaana weli la dabiibayaa Xaalada Caafimaad ee Taliyihii hore Ciidanka Booliska Nugaal oo isna qaraxa dhaawac uu kasoo gaaray.

Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qaraxii Caawa ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, iyagoo tilmaamay inay la beegsadeen Guddoomiyihii Gobolka Nugaal iyo taliye Faarax Galan-gooli.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media