Madaxweynaha Puntland oo si kulul uga hadlay Qaraxii Garoowe

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul u Cambaareeyay qarax Ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay Magaalada Garoowe, kaasi oo lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirse.

Madaxweyne Deni ayaa marka hore tacsi u diray Ehelada, qaraabada iyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Puntland ee uu ka baxay Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) oo ahaa Guddoomiyihii Gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax lala eegtay.

Sidoo kale Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle Caafimaad deg deg ah uga baryay inuu siiyo  Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Nugaal Faarax iyo dadkii dhacabka ahaa ee ku dhaawacmay qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Garoowe.

“Waxaa tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba” ayuu yiri Saciid Deni.

Dhinaca kale  Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu bogaadinayo ka hortagga deg degga ah ee ay Ciidamada Puntland kaga hortageen weerarkii xalay, kaasi oo uu tilmaamay in la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana qaraxaas dhaawac kasoo gaaray u geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media