Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa Magaalada Jowhar kulan kula qaatay Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka 2-aad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Guddoomiye Cismaan Barre iyo Guddiga Farsamada ayaa ka wada hadlay howlaha soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle, sidii loo xareyn lahaa Odayaasha dhaqanka iyo Arrimo kale.
Sheekh Cismaan Barre oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay inuu Guddiga Farsamada uu ka dhageystay Howlaha u qabsoomay iyo qorshayaasha kale ee Guddiga, isagoo kula dardaarmay inay howlaha shaqo ee Guddiga horyaalla la dardar-geliyo.
Ugu dambeyn Guddoomiye Cismaan Barre ayaa dhammaan, Siyaasiyiinta, Duubabka dhaqanka iyo Bulshada reer Hirshabeelle ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dhismaha Hirsbabellada Cusub, si hufnaan iyo daacadnimo ku jirtana loola shaqeeyo Guddiga.
Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle ayaa dhawaan soo saaray Jadwalka oo soo xulista Baarlamaanka iyo Doorashada Guddoonka, hayeeshee Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa kasoo horjeestay Jadwalkaas, isagoo sheegay in la dhameystirayo Guddiga.