K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa xarigga ka jaray Xafiiska Bixinta Baasaboorka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Munaasabadda xarigga looga jaraayay Xafiiska cusub ayaa waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Laanta 3aad ee HSJ Md, Cumar Xaaji, Guddoomiyaha Degmada Baraawe Md, Cumar Shiikh Cabdi Taliyaha Saldhiga degmadaas, Guddomiyaha Ururka Haweenka Maryan Mukhtar, Ururka Dhalinyarada iyo Odayaasha dhaqanka ee Baraawe.
Maamulka Baraawe iyo shacabka deegaanka ayaa si weyn usoo dhaweeyay in Hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadda ay ka furto Degmada Baraawe Xafiiska Bixinta Baasaboorka iyagoo sidoo kale sheegeen in ay si dhaw ula shaqeyn doonaan. Xafiiska cusub ayaa u adeegi doono dadka ku sugan Baraawe iyo nawaaxigeeda iyagoo maanta wixii ka dambeeyo ka heli doono Baasaboorka Soomaaliya.
Ugu dambeyn K/xigeenka Agaasimaha Guud Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay gaareyso degmooyin badan iyadoo la gaarsiinaayo adeegga Baasaboorka isla markaana ay bulshada loogu dhaweeyo adeegyada kala duwan oo ay bixiso Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.