Kooxo hubeysan oo Caawa Askari ku toogtey Muqdisho

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa Caawa agagaarka baar ha i dhaafin oo kala qeybiya Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dhaawaceen Askari ka tirsan Ciidanka dowladda.

Askariga la dhaawacay ayaa ku sugnaa fariisin  Ciidanka Dowlada ay ku leeyihii baar ha i dhaafin,sida ay Dalsan u sheegeen dad ka agdhawaa goobta,waxaana la sheegay in dhaawac culus oo soo gaaray  Askariga.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaarey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kuwaas oo goobta ka qaadey dhaawaca askariga.

Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulada  Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee ku aadan falkaan Caawa ka dhacay Baar ha dhaafin ee Muqdisho.

Dilalka loo geysanayo askarta dowladda iyo dadka xiriirka la leh dowladda ayaa sijoogto ah waxa ay uga dhacaan Magalada Muqdisho,waxaana mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor