Waxaa maanta magaalada Dhuusa Mareeb kulan ku yeeshay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug iyada oo kulanka uu ahaa mid looga dooday codsi uu soo gudbiyay madaxweynaha Galmudug.
Inta badan xildhibaanada oo soo xaadiray kulanka waxaa la horkeenay ajandaha maanta oo ahaa u codeynta codsiga madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo la xiriiray in mudada loo kordhiyo xilliga magacaabista golaha wasiirada waxaana xildhibaanada hortegay madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Cali Daahir Ciid.
Madaxweyne ku xiigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xildhibaanada ka hor akhriyay codsiga oo ahaa in muddo bil ah loogu daro waqtiga uu ku dhawaaqayo goliisa wasiirada ee cusub.
Intaas kadib xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyay codsigaas iyaga oo muddo bil ah ugu daray waqtiga magacaabista wasiirada cusub ee maamulka Galmudug.
Madaxaweynaha maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye Qoo Qoora ayaa ku howlan xalinta khilaafkii ka dhashay doorashadiisa taas oo siyaasiyiin badan iyo qaar ka mid ah musharaxiintii la tartamaysay ay qaadaceen,isaga oo sheegay in uu rajo ka qabo in uu isku keeno dhamaan dhicayada isku haya siyaasadda Galmudug.