Wararka Radio Dalsan Caawa ka helayo Magalada Boosaaso oo ah Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade.
Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash,waxaana la sheegay in uu Xisaabiye Guud ka ahaa Shirkad Ganacsi oo lagu Magacaabo Horseed.
Wariyeyaal ku sugan boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in xilliga la dilayay Ganacsadaha uu ku sugnaa Xaafada Raf iyo Raaxo,isla markaana uu kasoo baxay Masjidka Cali Bin Abu-Daalib ee uu Salaadii Cisha kusoo dukaday.
Dadkii ka dambeeyay dilkaas ayaa Goobta ka baxsaday,lamana oga sababta loo dilay iyo dadkii ka dambeeyay dilkaas,waxaana haatan howlgal boosaaso ka wada Ciidamada Booliska Puntland,kaas oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dalbeeyay dilkaas.
Dilka ka dhacay Caawa Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa kusoo aadaya xilli isla Caawa Xaafada Howl-Wadaag ee Magalada Baladweyne lagu dilay Sarkaal ka mid ahaa Waaxda Maaliyadda ee Maamulka gobolka Hiiraan.