Dhageyso:-Ciidamo dalbaday in la siidaayo taliyahooda oo ku xiran Magalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda ku sugan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay dalbadeen in lasoo daayo taliyaha guutada 49aad e ka howlgasha Gobolka Gedo.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamadaas ayaa waxa ay sheegeen in Taliye Faarax Cabdi nuur la xiray kadib markii degmada Baardheere lagu toogtay rag lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Waxa ay baaq  u direen taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi(indha-qarshe) iyo Saraakiisha Maxkamada Ciidamada,kas oo ku aadan in lasii daayo taliyahooda oo ku xiran Magalada Muqdisho.

Qaarkood waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya aysan u sheegin xilli lala heshiiyay Shabaab,isla markaana ay fuliyeen amar uu bixiyay taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Hoos Ka Dhageyso Codka qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor