Faysal Cali Waraabe:- “Madaxweyne Farmaajo anigaa kaga waddanisan Muqdisho, diyaar baan u nahay Qadhaadh iyo Macaan”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Maamulka Somailand, Faysal Cali Waraabe ayaa hadalkaasi ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa, wuxuuna xusay inay ka jawaabi doonaan wax kasta oo Somaliland kaga yimaada Madaxweynaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray haddii uu Farmaajo noqdo sidii Madaxweyne Xasan Sheekh inay taasi keeni karto inay isku dhcaan, isla markaana ay Xilligan Somaliland xoog leedahay.

“Haddii uu jidka adeerkiisa raaco, waxay arrintu noqon doontaa in la iska celiyo Farmaajo” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe, wuxuuna intaasi ku daray inay Madaxweyne Farmaajo  cashar ugu dhigi doonaan Muqdisho” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo intaasi raaciyey inuu Farmaajo marti ku yahay Muqdisho, oo uu isaga kaga Waddanisan yahay, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkiisa ayaa soo baxay hal maalin kadib, markii uu Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Silaanyo ku goodiyey inuusan Madaxweyne Farmaajo faraha la soo gelin Arrimaha Somaliland.

Halkan ka dhegeyso Shirka Jaraa’id ee Faysal Cali Waraabe:

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media