(SAWIRO): Marxuum Xildhibaan Saciid Xasan Geeddi oo maanta lagu aasay Muqdisho.

Xildhibaan Saciid Xsaan Geeddi oo ka tirsanaa BFS ayaa barqanimadii maanta lagu aasay Qabuuraha ku dhex yaalla Isbitaalka Madiina ee magaalladda Muqdisho.

Marxuumka oo maalmahan xannuunsanaa waxa uu xalay ku geeriyooday Isbitaalka Guud ee Erdogan ama Ex-Digfeer, waxayna saaxiibadiisa sheegeen inuu hayey xanuunka Dhiig-karka.

Marxuumka waxa uu ka mid ahaa Saraakiisha Milliteriga Somalia, isagoo ka gaaray Darajadda Jeneraal.

Aaska Marxuumka waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciiddan iyo  mas’uuliyiin kale.

Geerida Xildhibaanka waxaa ka tacsideeyey Madaxda Qaranka, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Prof. Jawaari.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media