Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanya leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen saraakiishii, saraakiil xigeenkii, askartii iyo dadkii shacabka ahaa ee ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Farmaajo uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, si looga guuleysto Al-shaabaab, isla markaana la iska kaashado sidii looga hortegi lahaa weerarada ay geystaan.
Farmaajo ayaa sigaar ah uga tacsiyeeyay geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska, kuwaasi oo ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay Saldhiga Waaberi.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u shahiiday iyagoo ka shaqeynaya Amniga dalkooda iyo dadkooda. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Amniga waxaan ugu baaqayaa in si wadajir ah ay isaga kaashadaan ka hortagga wax loogu yeero argagixisada.â€
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey -iyada oo lagu jiro habeen khayar badan oo ka mid ah tobankii danbe ee bisha barakaysan ee Ramadaan- saraakiishii, askartii iyo shacabkii Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxan in uu hooygooda ka yeello Jannatul Firdowsa, Saraakiisha kale iyo shacabka ay waxyeeladu ka soo gaartayna Eebbe u booga dhayo.
Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyooday qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdish oo ay ku jiraan Taliyihii Booliska degmada Waaberi, Taliye ku-xigeenkii qeybta Weliyow Cadde iyo Saraakiil kale, waxaana ku dhaawacmay 6 qof kale oo isugu jira dad shacab ah iyo Askar Ciidan.