Khasaaraha Qaraxa lala beegsaday Saraakiisha Ciidan oo la shaaciyay

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax is-miidaamin ah oo xalay lagu weeraray Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir oo ku yaalla wadada maka Al-mukarama.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe oo saqdii dhexe ee xalay warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa uu fuliyay isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa, uuna isku qarxiyey afaafka hore ee Saldhiga oo ay ku sugnaayen Saraakiil Ciidan.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in qaraxa oo jugiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah oo marayay wadada xiligaas.

Afhayeen Doodishe ayaa xaqiijiyay inay qaraxa ay ku dhinteen 6 ruux oo ay ku jiraan Taliyihii Saldhiga Booliska Waaberi Gaashaanle Axmed Cabdulahi Baashane oo loo yaqaanay (Calooley), Taliye ku-xigeenkii qeybta Waliyoow Cadde, Saddex Askari iyo qof shacab ahaa.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay inay dhaawacyo qaraxii xalay kasoo gaareen 6 Lix qof oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan iyo dad kale oo shacab ah, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad Isbitaalo ku yaalla Muqdisho.

Ugu dambeyn Afhayeenka Booliska ayaa caddeeyay in aysan marnaba Al-shabaab u joojin doonin shaqada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, isla markaana xusay in Saraakiisha la weeraray, iyada oo lagu jiro 10-kii dambe ee bisha Ramadaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor