• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, May 12, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(FAALLO): Maxaa lagu fasiri karaa qorshaha Ciiddanka Kenya (KDF) looga saarayo gudaha dalka Somalia ?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 3, 2015
in Warar
Reading Time: 7 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Maamulayaasha Kenya Madaxweyne ilaa Askari waxay qirsan yihiin inay Dagaalamayaasha Alshabaab khalkhal ku hayaan Ammaanka Guud ee Kenya.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa horey wacad ugu maray inay magaallooyinka Kenya ka dhigi doono balli uu dhiiggu qulqulo, iyadoo farriintaasi muujisay inay Alshabaab aagii dagaalka u wareejiyeen gudaha dalka Kenya.

Labada bilood ee ugu dambaysay ayaa waxay tusaale u yihiin Qorshaha dagaal ee Alshabaab iyo xeelladaha ay kaga hawl-galaan gudaha dalka Kenya.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dagaalamayaasha Alshabaab yihiin kuwo ka khibrad sarreeya Ciiddanka Qaranka Kenya ee KDF, waxaana khibradaasi laga dheehan karaa Tabaha dagaalka ee ay Alshabaab dabinka ugu dhigaan Ciiddanka Kenya ee hadba tacadir la’aan isaga kala gooshaya dhulka xuduudka ee Kenya iyo Somalia, gaar ahaan Goballadda NFD  ee W/bari Kenya.

Colaadda Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ayaa waxay si toos ah u bilaabantay markii ay Ciiddanka Kenya ku dhawaaqeen Hawlgalka ay ugu magac dareen Hawlgalka Difaaca Dalkaaga (Operation Linda Nchi), isla markaana ay Ciiddanka Lugta ee Kenya ka soo gudbeen Xuduudka bishii Ocober 16-dii ee sannadkii 2011-kii.

Faragelinta Milliteriga Kenya ee  Goballadda Jubbooyinka, oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku xooganaayeen ayaana noqotay dhimbisha colaadeed ee labada dhinac ka dhex ololayso, waxaana Dagaalka Wejigiisa Koowaad u muuqday mid ay Askarta Kenya ku guuleysteen.

Qabsashaddii magaalladda dekedda leh ee Kismaayo ayaa waxa uu wax ka bedelay carcarkii Askarta Kenya, oo iyagu halkii laga sugayey inay dagaalamaan bilaabay inay Isbahaysi la noqdaan Maleeshiyaddii Raas Kambooni ee uu Sheekh Axmed Madoobe hayinka u hayey.

Warbixinta Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ayaana soo bandhigay kaalinta ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo, waxayna Warbixintu si weji-gabax leh ugu eedeeysay Madax ka tirsan Dowladda Kenya inay Dukumetiyo Macmal ah u diyaariyaan Maraakiibta shixnadaha dhuxusha ka qaada Dekedda Kismaayo.

Haddaba, haddaynu u soo laabano qorshaha Ciiddanka Kenya looga saari doono gudaha dalka Somalia, ayaa waxaa la rumeysan yahay inay tahay Istaraatijiyad muujinaysa inay Milliteriga Kenya ku fashilmeen doorkii Hawlgalka AMISOM, maadama ay weli ku sugan yihiin Kismaayo oo ay afar sanno ka hor baroosinka dhigteen.

Guddoomiyaha Guddiga Senedka Kenya ugu qaabilsan Difaaca iyo Xiriirka Caalamiga, Yusuf Haji ayaana shaaciyey in la diyaarinayo Istaraatijiyad lagu soo daad-gureynayo Ciiddanka Kenya ee ku sugan Goballadda Jubbooyinka Somalia.

Istaraatijiyadda ay haatan Madaxda Kenya ku talamayaan ayaa u muuqda mid ay ku doonayaan inay Ciiddankaasi u adeegsadaan Hawlgalladda gudaha ee lagula dagaalamayo Alshabaab, maadaama ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka hawlgalaan gudaha dalka Kenya.

Khubaradda Milliteriga ayaa rumeysan inay Milliteriga Kenya ku fashilmeem Hawlgalkii ay ku soo dagaal-galeen ee Difaac Dalkaaga (Operation Linda Nchi), maadama ay Alshabaab hawlgallo ka fuliyaan gudaha Kenya.

Hay’addaha Sirdoonka ee Kenya ayaa iyagana qeyb ka ah Fashilkaasi, maadaama ay awoodi la’yihiin inay helaan xogaha Sirdoonka ee looga hortegi karo Weeraradda ay Alshabaab ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

Diplomaasiyiinta ayaa iyagana u arka qorshaha Ciiddanka Kenya looga saarayo gudaha dalke Kenya mid hal bacad lagu lisay ka dhigayso Kharajkii iyo Qalabkii ay Beesha Caalamka ku taageereen Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Xeeldheerayaasha u dhuun-duleela Istaraatijiyadda Xarakadda Alshabaab ayaa rumeysan inaysan Dagaalamayaasha Alshabaab hakin doonin Hawlgalladda ay ka wadaan gudaha Kenya, xitaa haddii ay Milliteriga Kenya ka wada huleelaan gudaha Somalia.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Alshabaab ka go’an tahay inay muddo sanno ah sii wadaan Hawlgalladda ka dhanka ah Kenya, maadaama ay ciil gaamuray u hayaan Milliteriga Kenya oo iyagu duqeymo la beegsaday Saraakiil Sarsare oo ka tirsanaa  Hoggaanka Alshabaab.

Taageeradda Alshabaab ee gudaha Kenya ayaana la sheegaa inay 400% korodhay, waana taasi midda keentay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta dhawaan shaaciyo inay Dowladiisa qaadi doonto Tallaabooyin wax looga qaban doono Xag-jirnimadda iyo Weeraradda Alshabaab ka fuliyaan gudaha dalke Kenya.

Wasiirkii Gaashaandhigga ee dalka Kenya ee amray Duullaankii ay Ciiddanka Kenya afar sanno ka hor ku galeen gudaha dalka Somalia, Yusuf Haji ayaa waxa uu haatan u ololeynayaa sidii loo soo daad-gureyn lahaa ciiddankaasi.

Yusuf Haji oo haatan madax ka ah Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Caalamiga ee Aqalka Senedka Kenya ayaa shaaciyey inay Dowladda Kenya ka fekerayaan Istaraatijiyadda horseedi kara dib-u-soo-celinta Ciiddanka KDF, laakiinse, hawshaasi ayaan si fudud ku hirgeli doonin.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya waxay ciirsi moodaan inay Ciiddanka kala soo baxaan Somalia, dhistaan Xayndaabka dhererkiisu yahay 700-KM si ay  isaga moosaan Mowjadaha colaadeed ee ay Xarakadda Alshabaab ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

Markaynu isku soo duubno, Maxaa lagu fasiri karaa qorshaha Ciiddanka Kenya (KDF) ee looga saarayo gudaha dalka Somalia ? Ma la dhihi karaa KDF waa ku fashilmeen Hawlgalkii Difaac Dalkaaga (Operation Linda Nchi), Daad-gureyntooda kadib, Dagaalamayaasha Alshabaab ma joojin doonaan Hawlgalkooda iyo joogitaanka ee gudaha Kenya? Waa su’aal Furan ?

WQ:Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

KDF 1 KDF 2 KDF 4 KDF

© Dalsan Radio

Previous Post

Lammaane bisad ku dhex riday Makiinadda dharka lagu dhaqo (washing machine)

Next Post

Bisadda ugu weyn Maraykanka oo ku miisaan ah wiil afar jir ah.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446
Warar

11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446

May 12, 2025
Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
Warar

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

May 11, 2025
Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
Caalamka

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

May 11, 2025
“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”
Warar

“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”

May 11, 2025
Xabbad-Joojin Degdeg ah: Hindiya iyo Pakistan oo Ku Heshiiyay Joojin Dagaal
Caalamka

Xabbad-Joojin Degdeg ah: Hindiya iyo Pakistan oo Ku Heshiiyay Joojin Dagaal

May 11, 2025
Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
Warar

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

May 10, 2025
Next Post

Bisadda ugu weyn Maraykanka oo ku miisaan ah wiil afar jir ah.

11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446

11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Qaar ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan 1446 Hijriya ayaa si nabad ah u gaaray dalka Sucuudiga, halkaas oo...

Somalia and Qatar Reaffirm Strategic Ties in High-Level Meeting Between PM Hamsa and Ambassador Al Nuaimi

Somalia and Qatar Reaffirm Strategic Ties in High-Level Meeting Between PM Hamsa and Ambassador Al Nuaimi

by Liban
May 12, 2025
0

MOGADISHU, Somalia – Somalia's Prime Minister Hamsa Abdi Barre met with the Ambassador of the State of Qatar to Somalia,...

After Floods, a New Tide? Somalia’s Parliament Eyes Deeper Regional Ties with IGAD Vote

After Floods, a New Tide? Somalia’s Parliament Eyes Deeper Regional Ties with IGAD Vote

by Liban
May 12, 2025
0

MOGADISHU, Somalia — Members of Somalia’s House of the People are expected to convene today for a long-awaited parliamentary session,...

Hamas to Release American-Israeli Hostage Edan Alexander Amid Ceasefire Push and Humanitarian Crisis in Gaza

Hamas to Release American-Israeli Hostage Edan Alexander Amid Ceasefire Push and Humanitarian Crisis in Gaza

by Liban
May 12, 2025
0

GAZA CITY —In a significant move that could shape the trajectory of ongoing conflict negotiations, Hamas has announced its intention...

11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446
Warar

11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Qatar Reaffirm Strategic Ties in High-Level Meeting Between PM Hamsa and Ambassador Al Nuaimi
English News

Somalia and Qatar Reaffirm Strategic Ties in High-Level Meeting Between PM Hamsa and Ambassador Al Nuaimi

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
After Floods, a New Tide? Somalia’s Parliament Eyes Deeper Regional Ties with IGAD Vote
English News

After Floods, a New Tide? Somalia's Parliament Eyes Deeper Regional Ties with IGAD Vote

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hamas to Release American-Israeli Hostage Edan Alexander Amid Ceasefire Push and Humanitarian Crisis in Gaza
Wararka Idaacadda

Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu
English News

Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • 11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446
  • Somalia and Qatar Reaffirm Strategic Ties in High-Level Meeting Between PM Hamsa and Ambassador Al Nuaimi
  • After Floods, a New Tide? Somalia’s Parliament Eyes Deeper Regional Ties with IGAD Vote
  • Hamas to Release American-Israeli Hostage Edan Alexander Amid Ceasefire Push and Humanitarian Crisis in Gaza

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00