Allaha u naxariistee waxaa xalay deegaanka Durbanville ee Magaalada Cape Town ee dalka koonfur Afrika lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Caajis.
Rag hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa Muwaadinka Soomaaliyeed ku toogtay Durbanville, xili uu ku sugnaa halkaas, waxaana la tilmaamay inuu u geeriyooday rasaas uga dhacday qeybaha sare ee jirka.
Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaa tegay Muwaadiniin Soomaali ah oo halkaas ka qaaday Meydka Cabduqaadir Caajis, isla markaana waxaa goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay dilkaas.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika oo gaaray halka falku uu ka dhacay ayaa sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah kasoo bixin, iyagoona mar kasta dadka Soomaalida u sheega inay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilalka dhaca.
Dalka Koonfur Afrika gaar ahaan deegaano ka tirsan Magaalada Cape Town ayaa waxaa todobaadyadii ugu dambeeyay kusoo badanayay dilalka loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaalida ee halkaas ku leh goobo Ganacsi, waxaana sanadkaan gudihiisa lagu dilay halkaas Muwaadiniin Soomaali oo farabadan.