Nin Weerar ku ahaa Imaamka Masjidka Xaramka oo la qabtay

Ciiddanka Ammaanka ee Masjidka Xaramka ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Nin weerar ku ahaa Iimaamka oo akhrinayey Khudbada Jimcaha ee shalay.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Eedeysanaha la qabtay, ka hor inta uusan gaarin Minbarka ee uu Iimaamku ka jeedinayey Khudbadda Jimcaha.

Iimaamka la weerari lahaa oo lagu magacaabo Sheekh Bandar Baleelah ayaa waxa uu ka mid yahay Iimaamyada ku qoran Xaramka Shariifka ee Maka Al-mukarama.

Bishii la soo dhaafay ee April ayaa waxaa Xaramka lagu qabtay Nin ku hubaysnaa Maqar, kaasi oo la tuhunsan yahay inuu weerar geysan lahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor