Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ka hadashay dagaal beeleedka maalmihii lasoo dhaafay ka socday deegaano hoostega Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa waxaa beelaha ku dagaalamay Gobolka Hiiraan loogu baaqay inay joojiyaan dagaalka geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ee dhacay.
Wasaaradda ayaa ku boorrisay odayaasha dhaqanka, culima-udiinka, ganacsatada, dhalinyarada, ururrada haweenka iyo waxgaradka in ay kala shaqeeyaan Mas’uuliyiinta ka socda Xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle joojinta dagaalka dhexmaray beelaha walaalaha ah.
Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxay ku boorrisay labada beelood ee dagaalamaya inay si deg deg ah u joojiyaan Colaalada kasoo cosboonaatay deegaano hoostega Magaalada Baladweyne.
Dagaalkaas u dhexeeyay maleeshiyo beeleed ayaa salka ku haaya Arrimo la xiriira dhul-daaqsimeedyo, waxaana dhawaan fashil kusoo dhammaaday dadaalo kala duwan oo lagu doonayay in labada dhinac lagu kala dhex galo, lana joojiyo Colaada.