Wararka aan ka heleyno Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaas qaraxyo Khasaaro geystay ay ka dhaceen.
Qaraxyada oo ahaa nooca miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa ka dhaceen gudaha Wanla-weyn, kuwaasi oo jugtooda siweyn Caawa looga maqlay Magaalada, waxaana cirka isku shareertay uuro madow iyo qiiq oo goobta ka baxeysay.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in qaraxyadaas ay ku dhinteen saddex ruux oo shacab ah, halka 5 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad, si loogu dabiibo xaaladooda Caafimaad.
Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Wanla-weyn ayaa si Deg deg ah u tegay halka ay dhaceen qaraxyada, iyagoo weli ku sugan halkaas, waxaana mararka qaarkood ay ridayaan rasaas.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askar dhowr ah oo ka tirsan Ciidanka ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxyada, waxaana sidoo kale halkaas ka socda howlgalo kala duwan oo Ciidamada ay ka wadaan Xaafaddo kamid ah Degmada.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay uga hadlayaan qaraxyadaas Khasaaraha geystay ee ka dhacay halkaas.