Laftagareen oo Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi uu Hogaaminayey RW Xamse Abdi Bare

Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi uu Hogaaminayey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Abdi Bare oo ay qeyb ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa  ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga qaran oo lagu wada in maalinta beri ah ka Furmo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor