Jugta qarax xoogan ayaa dhowr daqiiqo kahor kahor laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay xaafadda macalin Nuur ee degmada Dharkeenley oo u dhow Isgoyska Ex-koontarool Afgooye.
Qaraxaas ayaa waxaa uu ahaa mid uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana waxaa uu isku qarxiyay dad farabadan dhex-dooda oo ku sugnaa Busteejo laga raaco gaadiidka aada degmada Afgooye.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah ayaa ka dhashay qaraxaas oo ahaa mid xoogan, waxaana goobta uu ka dhacay tegay oo xiray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka Gurmadka deg dega ah oo halkaas ka daad-gureeyay dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda macalin nuur ee degmada Dharkeenley.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan ilaa saddex qof ay qaraxa ku dhinteen, halka 6 qof kalena oo shacab ah ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo saarnaa gaari nooca dadweynaha raacaan ee Hoomeyda loo yaqaano.