Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Hay’ada Caafimaadka aduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku tegay Jubbaland.
Waxaa Madaxweynaha Kulankan ku wehelinayay Wasiirka iskaashiga iyo xiriirka Caalamiga ah Mursal Maxamed Khaliif iyo wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Maxamed Ibrahim Ogle.
Kulanka waxaa lagaga hadlayay sidii WHO ay u balaarin lahayd tageerada dhinaca Caafimaadka ah, isla markana la iskaga kaashan lahaa shaqooyinka baaxada leh ee Wasaarada Caafimaadka iyo WHO ay sida wadajirka ah u qabtaan.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Madaxa Hay’ada Caafimaadka aduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya uga mahadceliyay taageerada ay la garan taagan yihiin Maamulkiisa.